Jan 27, 2026 6 min Psychologie
Pathalogie

Sidee Aragtidaada U Bedeli Kartaa Noloshaada?

Way of life

Walaalayaal, xaaladaheena isma bedelayaan ilaa aan anaga isbedel isku sameyno kuna bixino dadaal dheeri ah sidii aan u heli lahayn nolol deggan.

Waxaa dhab ah in Ilaahay amarkiisa waxwalbo ku socdaan hadana Allah wuu noo sheegay in waxwalbo uu u yeelay sabab. Ilaa aad qodobkaas xusuusnaato oo aad ku dhaqantana way adkaanaysa inaad isbedel fiican ka sameyso nolosha.

Taa micnaheedu waxay tahay, ma yarayn kartid ama kama adkaan kartid dhibaatoyinka nolosha la xiriira iyo caqabadaha kaa hor imanaya oo ay ka mid tahay walwalka iyo murugada, hadii aadan go’aan ka gaarin inaad juhdi iyo dadaal geliso in aad qiimayn ku sameyso aragtidaada ku aadan nolosha.

Arintan waxaad kaga bogsan kartaa adigoo isbedel sameeya islamarkaana fikradahaaga qurxiya. Waxaad ogaataa ma heleysid farxad  inta aad maskaxdaada ku hayso fekrado mugdi ah oo qaldan islamarkaana ku tusaya waxwalbo inay foolxun yihiin.

Hab-dhaqan walbo wuxu ku saleysan yahay fekerka qofka. Sidaa la ajligeeda waxaad awood u leedahay inaad dhaqankaaga bedesho adigoo marka hore waxa ka bedelayo fekradaha. Aragtida kaligeeda waxay sababi kartaa inaad xanuunsato ama bogsooto.

Arintan aragtida dib loo eegayo ama wax laga bedelayo waxa ay ka hirgashay dalka mareykanka oo dad farabadan si farasamo ah loogu daweeyaa, waxaana la ogaaday in ay faa’iido badan u keentay intii la waday tijaabadan. Taa micnaheedu waxay tahay in Naftu ay leedahay furayaal lagu furo, oo Allah kaliya uun ogsoonyahay awoodihiisa asaga u gaarka ah.

Waxaa hubaal ah in  xanuunada ku dhaca jirka uu xanuun ugu dhici karo nafta, mararka qaarkoodna ay sabab u noqon karto xanuun asalkisa hore jirka ahaa inuu saameeyn taban ku yeesho nafta.

Laba meelood meel, bukaanada soo booqda isbitaalada, run ahaantii xaaladooda caafimaad waa ay iska wanaagsan tahay. Dadka waxay u baahan yihiin oo kaliya in loo caawiyo si maskaxiyan ah loona dejiyo laabtooda ayadoo loo sheegayo in caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

La yaab maleh mararka qaarkood in dadka uu hayo xanuuno kala duwan ay u tagaan dad ku aqriya quraafaad oo ay islamarkiiba caafimaad ka helaan. Runtu waxay tahay xaaladooda soo wanaagsanaatay dhanka maskaxda.

Kaalinta uu ku leeyahay ninka quraafaadka samaynayo waa inuu ka dhaadhiciyaa bukaankan inuu isagu leeyahay awoodo dheeri ah oo uu qofka kaga qaadi karo xanuunkan, ugu dambayntiina ku qancinayo inuu bogsaday. Sirta ku jirta waa arinta ah inuu qofka tuso inuu caafimaaday ama soo roonaaday asagoo markaa ku oranaya ooraah loo isticmaalay si farsameysan oo dhiiragelin ku jirto.

Dhowr sano kahor ka mid kamid ah asaxaabtayda ayaa maalin wuxu tagay isbitaal si uu u sameeyo baaritaan dhameystiran dhanka caafimaadka ah. Markii uu natiijada helay waxaa lagu sheegay xanuun aad qatar u ah dhanka kelyaha. Arintaas markii lagu wargeliyay wuu taagnaan kari waayay garbaha ayaa lagasoo galay. Waa lasoo qaaday oo gurigiisa ayaa taksi lagu geeyay durbadiina sariir ayuu fuulay, miisaankisa hoos ayuu u dhacay. Maalmo kadib waxaa loogu wacay dhaqtar labaad si uu u sameeyo baaritaano kale oo dheeri ah (Second Advice) aragti labaad, islamarkaana natiijada kasoo baxdo sheybaaro kale loogu diro si loo helo fekrado kala duwan. Natiijadii labaad markii ay soo gaareen dhaqtarkiisii dib ayuu u eegay wuxuuna u sheegay in baaritaankii hore uu qaldanaa oo uu fiican yahay wax cudur ahna lagu helin. Marki loo keenay natiijadii labaad ee u dhaqtarka u sheegay war-san aad iyo aad ayuu u farxay xaaladiisa caafimaadna waa ay soo wanaagsanaatay. Maalintii dambana shaqadiisa ayuu dib ugu laabtay.

Fekrada uu qofwalbo ka qabo xaaladiisa caafimaad ama shaqsi ahaaneed waxay saamayn Togan ku leedahay noloshiisa. Hadba qofka waxa uu u dhaqmaa sida ay fekradiisa tahay ama waxa uu aminsan yahay taas oo xitaa keeni karto inuu xanuunsado ama fayoobaado.

Waxaad u nooshahay sida hadba waxa aad rumaysan tahay. Waxaa dhici karta inaad ku dhex jirto nolol wanaagsan, oo aad leedahay hanti badan, caafimaadkaaguna wacan yahay sidoo kale caruur badan kuu joogto. Balse dhanka ganacsiga dhibaatooyin yaryar iyo walbahaar ka haystaan, islamarkaana aad noloshaada u aragtid mid caqabad leh, waayo marka ganacsigaaga uu noqdo mid qasaaradiisa badan tahay ama waxsoosaarkiisu yaryahay, waxay noqonaysaa inaad dadaalka sii laba jibaarto si aad u kabto oo aad uga badbaadiso in qasaaro kusoo foodsaarto.

Aalaaba waa arinta dhabta ah ee walwalka iyo murugada keenta, waayo qofku wuxu noqonayaa qof aan faraxsanayn balse caadi ahaan waxay ahayd inuu noqdo qofka ugu farxadda badan marka la eego dad badan oo dunida guudkeeda saaran.

Dhibaato maleh hadii aad ku dadaashid inaad hore u mariso ganacsigaaga iyo hawlaha aad dhexda kaga jirto, laakiin dadaalka iyo raadinta guusha maaha inay kugu keento, caloolyow iyo murugo. Sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay inaad isu dheeli tirto aragtidaada hadii aad doonaysid inaad ku noolaato nolol farxad ku dhisan oo murugo iyo uurxumo laga barax tiray.

Dhanka kale markaan ka eegno, xaalad ka duwan tii hore, waxaa dhici karta inaad heysatid shaqo yar, mishaharkaaguna yahay mid kaa kaafinayo oo kaliya nolol maalmeedkaaga islamarkaana ku nooshahay aqal ama guri yar, hase ahaatee dareemeyso farxad qalbiga ah iyo deganaan waayo waxaad ogsoon tahay inay jiraan dad adiga kaasii liita islamarkaana  ku qanacsan tahay xaalada noloshaada iyo inaadan ka murugsanayn mustaqbalka fog balse aad rajeyneyso guul iyo horumar wanaagsan. Maxaa ka farxad badan inaad waxyar ku qanacsanaato ! waa halka ay soomaalidu tiraahdo( Iimaan Allaa uurbuuxiyo)

Ma ahan xaaladaha uu qofka bini’aadamka ku noolyahay waxa farxada ama murugada keenayo laakiin waa Nafta iyo sida uu qofku ku qancinayo iyo aragtida uu ifka ka qabo.

Imaamka wayn dagaal yahaynka ah ee Ibn Taymiya wuxu dhihi jiray, Hadii ay colaad dhacdo oo aan cadow u gacan galo. (Maxay cadowgu igu samayn karayaan ? Wayo aniga Janadeydu waa qalbigayga meel walbo oo aan tago igama harayo, nalama kala kaxayn karayoo waan isku lamaanan nahay. Xabsigaygu waa jeer aan cibaado ku jiro. Hadii la i dilana waxaan ahay shahiid, hadii la i musaafuriyana waxay ii tahay dalxiis)

Waxaad u fiirsataa qaabka uu xumaanta ugu roganayo samaan, dhibaatadana faa’iido ama guul. Waxa u saxay ra’yigii intii uu is dhihi lahaa murug iyo walwal wuxu ku bedeshay farxad iyo deganaan.

Adigana dhab ahaantii waad u jihayn kartaa fekradahaaga kuwo ku farax geliya ee aan ku murjinin sidaas si lamid ah ayayna kuu farax gelin doonaan hadii aad ku dhaqanto sifadaas noloshaaduna waxay noqon doontaa mid aad u qurux badan!

Maqaalkani wuxuu ka mid yahay maqaalado badan oo aan ku qoray buugga DARYEEL BULSHO.

W/Q Abdulkadir Mursal