DARYEEL BULSHO
Maanka ama maskaxda bini’aadamka waa mid aad udag fahamkeeda. Waxayna u baahan tahay in dhinac walbo laga fahmo. Cilmiga maanta jira iyo cilmigii horeba waxay nasiinayaan macluumaad aan ku fahamno.
Haddaba caafimaadka maanka ma’ahan mid cusub ee waa mid qarnigii 10-aad ay culumada muslimiinta sida Al-Kindi iyo Al-Balki ay wax ka qoreen. Iyagoo culimadii islaamka ay dhinac walbo ka eegeen caafimaadka iyo cudurada maankaba. Laakiin qarniyadaan dambe ilaa iyo hadda, markii aqoontaa hore la ilaaway ayaa waxaa loo janjeersaday marka laga hadlayo in loo kala saaro jirka-maanka. Laakiinse dhinaca islaamiga marka laga eegayo ayaa ah in laga eego dhinac walba.
Haddaba buugani Daryeel Bulsho oo uu qoray Abdulqadir wuxuu kaa baahi bixinayaa oo uu kaa tusinaya caamiaadka maanka dhinaca maadiga, diinta iyo dhaqanka. Waa buug soo uruuriyay macluumaadkaasi, kana eegaya caafimaadka maanka si hufan oo dhinac walbo leh ‘holistic’.
Daryeel Bulsho wuxuu ku siinayaa macluumaadkii oo dhan isagoo kugu tusaaleynaya qisooyin dhacay, kuna tusinaya in cudurada maanka uu yahay sida xanuunada jirka ku dhaca oo kale, ayna tahay mid laga soo kabsan karo.
Intaa Abdulqadir kumuu koobinee wuxuu ku siinayaa sidaad adiga naftaada uga hortagi laheeyd ama ugu kaalmeysan lahayd inaad isku daaweyso, adigoo aan is dhiganeynin balse aad raadsan karto daryeel caafimaad.
Daryeel caafimaad wuxuu yimid xilli ay bulshada u baahan tahay in la daryeelo, isna daryeesho.
Waa buug dhiiragelin ku siinaya, macluumaad badana aad ka heli karto. Aqristaha waxaan oran lahaa, buuggani wuxuu kuu noqonayaa socdaal cusub oo aad adigana is fahmeyso, qadarineysana maanka bini’aadamka. Waa buug aad naftaada ama dadka kale aad wax ka baran karto, waa buug kusiinaya furo badan, waana sababta aan kula talinayo in uu aqristo qof walbo oo af-soomaaliga ku hadla.
Drs Fatuma Osman
Associate Proffessor and Senior Lecturer at Dalarma University, Sweden