Maxay Diinta islaamka ka qabtaa xanuunada nafsaaniga?
ugu horayn waxaa xusuusin mudan in ay jiraan Culumo badan Islaamka kamid ah oo wax ka qoray cilminafsiga iyo xanuunada ku dhaca nafta bani’aadamka. Buugga cilminafsiga Aadanaha cutubukiisa koowaad ayaan si wayn uga faalloonayaa!
Markaa si guud dib u eegto qur’aanka kariimka ah, meelo badan ayaa looga hadlay cuduradan qulubka, ikti’abka, walwalka walaahowka waa ay ku jiraan, sida qisadii nabi Yuusuf ee Suuratu Yuusuf aayadda: 87
Aayaddan waxay si cad u tilmaameysaa markii uu nabi yacquub amray wiilashiisii in ay u kacaan oo ay doonaan yuusuf iyo walaalkiis, wuxuuna faray in ay soo helaan iyagoo Allah wanaag ka rajeynaya wuxuuna u diiday in ay quustaan isagoo ku leh marnaba ha ka quusanina naxariista Eebe Swt.
Cidda naxariista Eebe Swt ka quusataa ay yihiin oo kaliya kuwa aan iimaanka u sugnaanin.
Ibnu Qayyim Al-Jawziyyah Allaha u naxariistee wuxuu yiri: “Maqaamka murugadu maaha mid ka mid ah saldhigyada qofka looga baahan yahay, lamana amrayo inuu soo dego, in la murgo kuma soo aroorin Quraanka kariimka ah, in la xarimo, ama la diiday mooyaane.
Qeybaha kale kaga bogo buugga cilminafsiga Aadanaha oo aad ka heli karto isla boggan.
W/Q Abdulkadir Mursal