Category: Buugga Daryeel Bulsho

ceeshoo milix

Naf qanacsan sidee lagu helaa?

La jeclow walaalka waxaad naftaad la jeceshahay!
Kelmadaan maaha mid uu aqoonyahan iskaga hadaaqay ama maah maah meel laga soo guuriyay balse waxaa ku hadlay ninka aduunka ugu runta badan ee aan marnaba ku hadlin hawadiisa.

HODANTINIMADU WAA QALBIGA

Islaamka ma dhiiragelinayo saboolnimo, laakiin wuxuu toosinayaa in hantida si wanaagsan loo fahmo waayo hodantinimada maaha inaad hanti badan leedahay balse waa inaad tahay qof ku qanacsan wixii Ilaahay gacantaada kuu geliyay.
Sidaynu hore u sheegnay hodantinimadu maaha dhaqaale farabadan, guryo, gawaari iyo wax alla waxa jeebkaaga kujiro laakiin waxaa hodan laga noqdaa nafta.