597496484 122152227548887425 7751480488579354157 n
Psychologie

Maxaa Keena Murugada?

Abdulqadir 

Muxuu suubanaheena NNKH, Ilaahay uga magan gali jiray Murugada?

Murugadu waxay imanaysaa marka aynu ka fekerno inaan weynay wixii ina dhaafay. Anas Ilaahay haka raali noqdee wuxuu noosoo wariyay inuu Rasuulku NNKH dhihi jiray :

« Ilaahayow waxaan kaa magan galay Hammi iyo Murugo, waxaan kale oo kaa magan galay Caajis iyo Wahsi, waxaan kale oo kaa magan galay Nafteena oo aan la Baqeylno iyo Maalkeena, waxaan kale oo kaa magan galay Culeyska Deenta iyo Sharta dadka. »

Hadii aynu ka murgoono waxyaabihi ina dhaafay hadii ay ahaan lahayd cilmi ama xoolo aduun taasi waxay keeneysa daciifnimo uu qofka niyada ka jabo.

Waa sababta uu Nebigu NNKH uu inooga digay inaynu had iyo jeer ka qoomameyno isagoo oranayo: Ku dadaal inaad hesho wixii dani kuugu jirto, kadibna Allah tala saaro, hana ka caajisin, Hadii Dhibi kugu timaadana ha oran hadii aan saa sameyn lahaa ama aan ka digtoonaan laha arintaa, balse waxaad tiraahda, amarkan Ilaahay baa ii qoray siduu doono yeelay, ereyga ‘hadii’ wuxuu furaa wadada sheydaanka kugu jahawareerin lahaa.

Inaadan ka murugoon wixii nasoo dhaafay micnaheeda maaha inaynu is dhigano oo aan gacmaha isasaarano waxaa nalaga doonaya inaan dadaalno oo wax qabsano.

Xadiiskaan micnihiisa wuxu sheegayaa in qofka muslimka uu dadaalo kadibna Ilaahay tala saarto. Runti waa xadiis nagu dhiiragelinayo inaan isku kalsoonaano.

Maalinta aad nooshahay ayaa kaaga muhiimsan inaad si wanaagsan u noolaatid. Maxaynaan u doonayn in maalinta ay noqoto mid ka  wanaagsan shalay oo farxad ku dheehan tahay? Waayo hadii aynu had iyo jeer soo xusuusano waxyaabo hore waxaa macquul ah inay nagu abuurto shallay iyo waxyaabo aan faa’iido u lahayn nolosheena xaadirka ah.

Sidaa darteed ayuu Rasuulkeenu NNKH oran jiray hadii waagu kuu baryo ha sugin inuu gabalka kuu dhacayo. Hadii uu gabalka dhocona ha sugin in waagu ku baryo. Taasi micnaheedu waa haka murugoon wixii kusoo dhaafay, mustaqbalkana haka walwalin oo Ilaahay gacantisa ayuu kujiraa.

Inta badan dadku waxay ka fekeraan mustaqbalka iyo siduu noqon doono waxbana kama bedeli karno waayo waxaaba iska dhici karto mustaqbalkaas aynu ka fekereyno inaanan gaarin oo aan ka hor aduunkaba ka tagno wixii waqti inooga baxay fekerkaasna waa uun qasaaro.

Qaar ka mid ah dadka waxay geliyaan maalmo, bilo ama sanado inay diyaariyaan mustaqbal kuna bixiyaan juhdi iyo dadaal baaxad leh ayado uusan warba u hayn inuu gaarayo ama laga yaabo inuu xanuunsado kahor wixi uu u diyaariyayna awood u lahayn inuu hirgalo waayo anagu ma ogin inta waqti inoo hartay inaan sii noolaanayno.

Dr weyne Dyer ninka la yiraahdo ee cilmi nafsiga caanka ku ah, wuxuu yiri: Baqdinta ama stresska waa wax nagu abuuran oo dhaqankeena ku saleysan. Inta badan qofwalbo wuxuu ku bixiyaa waqti badan inuu ka fekero isagoo ka walwalayo mustaqbalkiisa.

Waqtigaas oo dhan waa qasaaro, waayo waqti walbo oo aad murugootid waxba sooma kordhineysid xaaladana waxba kama bedelayso. Run ahaantii cabsida ama stresse ka wuxuu qofka ka dhigaa qof aan waqtiga xaadirka waxba qabsan karin. Wuxuu inta ku raaciyay Dr. Dyer stresska wuxuu xiriir la leeyahay waxyaabo laga soo tagay ama aan faraheena kujirin.

Waxaan aalaaba ka fekernaa markaan duqowno sidaynu noqon lahayn, dhaqaalaha aduunka siduu isku bedelayo, cimilada sidey noqon lahayd, dagaalada socda iyo waxay ku dambeyn doonaan.

Tusaale ahaan kulamadii aan buugga horaantiisa kaga soo sheekeyay oday kamid ah oo cimrigiisa 60 kor u dhaafay wuxuu ka walwali jiray in aduunku gaba gaba yahay, oo aaqiru zamanka soo dhowyahay.

Marwalbo aan la kulmo wuxuu igu dhihi jiray daadkii ka dhacay meel heblaayo ma aragtay, dabkii ka kacay meeshaas ma aragtay iwm. waxaas oo dhan wax anaga gacanteena kujira maaha Ilaahay baa maamula adduunkan aynu dulsaaran nahay noloshada ha u arbushin wax aadan awood u lahayn inaad wax ka bedesho.

Waa inay noo kala cadaataa inaan qorsho sameysano waqtiyada nagu soo aadan iyo midan hore waa labo arimood oo kala duwan.

Inaad qorsho cad sameysatid oo aad ku saleysid mustaqbalkaaga waa arin muhiim ah oo loo baahan yahay waaba arimaha qaarkood uu Nebigu sheegay NNKH : ku dadaala inaad heshaan wixi dani idinku jirto .

Inaad qorsho yeelato waa wax wanaagsan oo fiican waxay ka dhigan tahay inaad sameysato yool ama ahdaaf cad cad oo aad ka baaran degtay qaabki aad ku fulin lahayd. Laakiin inaad ka walwasho mustaqbalka siduu noqon doono taasi waa arin aan fiicnayn dhibaatana ku horseedayso.

Tusaale ahaan hadii aynu soo qaadano, hooyo wiil ay dhashay uu maado kamid ah casharada uu ka dhigto iskuulka uu ku liito sida luqadaha oo kale. Ka waran hadii ay murugooto oo ay ka fekerto in wiilkeeda uusan lahayn mustaqbal wanaagsan maxay soo kordhineysaa.

Taa bedelkeeda waxaa la rabaa inay ficil ku dhaqaaqdo oo u raadiso sidii ay u horumarin lahayd ama ugu heli lahayd qof casharo dheeri ah siya waqtiyo ka baxsan iskuulka kadibna talo saarato ilaahay. Intaa kadib hadii uu ku guuldareysto inuu luqadii baran waayo taa micnaheedu maaha inuu ku guuldareystay waxbarashadiisa oo dhan.

Qaar ka mid ah dadka aduunka ugu horumaray badankooda kama soo bixin Jaamacaddo waawayn ama sida aynu waxbarashadu u naqaano. Aduunka waxa jirto fursado intaa ka baaxad wayn. Muhiimadu waxay tahay inaad noloshaada u noolaatid si degan oo raaxo leh, farxadi ku dheehan tahay adiga oo aan marnaba ka walwalayn mustaqbalka waayo Ilaahay ayaa kuu balan qaaday.

Isku hawl inaad maalintaada qorsho fiican sameysato kana feker sidaa waqtiga aad joogto uga faa’ideysan lahayd inaad aaqiradada ku hagaagsato oo ilaahay raali ahaanshihiisa ku hesho waayo nolosha aduunka oo dhan waxaa naloo abuuray inaan aaqiro meel fiican gaarno marka yeynaan ka ilduufin hadafkaas kama dambayska ah ee aan hawada aduunka iyo mustaqbal aan gacanteena kujirin waqtigu inaga lumin.

Exercise: si maskaxdaada aad uga saaro ‘maxaa qaldan’ oo aad u geliso ‘maxaa saxsan’ oo aad mustaqbalka uga fikirto samee tusaalahaan:

Caado ka dhigo in mar alla oo aad wanaag dareento in aad gacantaada saarto wadnahaaga ood is dareensiiso jawigaa wanaagsan ee aad dareemeyso. Xusuusnoow oo bar maskaxdaada wanaaga. Gacantaada oo aad wadnaha saartayna weey kusoo xusuusin doontaa. Sidaan horay usoo sheegay wadnaha xusuustiisa weey qoto dheertahay.

Markaad dareento murugo, saar gacantaada wadnaha oo isasoo xasuusi dareenkii wanaaga ee aad horay u dareentay. Tani waxay keeneysaa inaad isbedel ku sameeyso waxay maskaxdaada xasuusin jirtay oo ah dareen murugo leh.

Waxwalbo waa in la daa’imaa, sidaa awgeed samee layliskaan maalintii labo jeer ilaa mudo isbuuc ka badan, waad dareemi doontaa isbedelka fiican ee kugu yimaada!

Qoraalkan waa qeyb ka mid ah buugga Daryeel Bulsho waxaad ka dalban kartaa qeybta xiriirka. 

W/Q Abdulkadir Mursal

Recommended Posts

Leave A Comment