Cilminafsigaadanaha
Books Cilminafsiga Aadanaha Psychologie

Waa maxay cilminafsi?

Abdulqadir 

Qeexitaanka guud ee cilmu-nafsiga

Marka hore aynu qeexno ereyga Cilminafsi (Psyhology), Marka aan maqalno ereyga cilmu-nafsi, waxaa laga yaabaa inaan maskaxda ku hayno fikrado kala duwan sida sawirada qof kursi ku fadhiyo oo la wareysanayo, filimaan ku saabsan dembiilayaasha xabsiga kujira, ama laga yaabee xusuusta koorsooyinka iskuulada lagugu soo dhigay. Laakiin waa maxay dhab ahaantii macnaha eraygani?

Psychology: Cilminafsi hadiii aad aragto ereygan wuxuu taagan yahay barashada ama daraasaddaynta xubinta maskaxda ama nafta qofka guud ahaan.

Cilminafsiga, hadii si fudud loo sii dhigo, waa daraasadda maskaxda iyo dabeecadda aadanaha. Waa Maaddo si gaar ah u xiisaynaysa inay fahanto sida aynu u fikirno, dareemayaasheena, iyo sida aynu u dhaqmayno.

Asalka falsafadda iyo cilminafsiga reer galbeedka ayaa la sheegaa inuu soo taxnaa ilaa waqti aad u fog, laakiin qarnigii 19 aad, xiliyadii la helay aalada kombiyuutarka ee tijaabooyinka la diiwaan geliyay ayuu sayniskan cilminafsiga bani’aadamku bilaabay inuu si weyn u sii horumaro.

Ninka lagu magacaabo Karl Marx ayaa caan ku ah waxa loogu yeero maadiga (Science). Maadiga waa hab-fikirka ku dhisan sayniska, aragtidani waxay qabtaa in maaddadu tahay xaqiiqada la taaban karo iyo in dhammaan ifafaalaha, oo ay ku jiraan miyir-qabka, lagu sharxi karo ereyo maadi ah.

Sayniskani wuxuu isku dayaa inuu ka jawaabo su’aalaha aasaasiga ah sida: Maxaynu u dareemaynaa farxad ama u murugeysan nahay? Sideen wax ku baran karnaa oo u xasuusan karnaa macluumaadka aynu u baahan nahay kuwa kalena u ilaaweynaa? Maxaa dhiirigeliya ficiladeena iyo go’aanadeena iwm?

Faylasuufyadii dunida soo maray aad ayay u badan yihiin kuwa u dhashay qaarada Asia sida dalalka hada loo yaqaano Hindiya iyo China, dadka la tilmaamo waxaa kamid ah :Siddârta Guatama oo u dhalashay dalka Hindiya, wuxuu noolaa xiliyadii 483-563 CH. Sidoo kale dalka China waxaan ka xusi karnaa Lao-tseu, Conficius 470- 551, iyo ninka la yiraahdo Han Fei Zi  isagu lagu qiyaaso inuu noolaa 233- 280 C.H.

Dadka aan soo sheegnay iyo kuwa aan hada ka faalloon doonno ee kala duwani waxay u taagan yihiin waqtiyo muhiim ah horumarinta cilminafsiga iyo fahamka falsafada guud ahaan caalamka, aragtiyada ay ku dhisan yihiin diimaha dadyowga ku kala nool qaaradaha adduunka oo ay maanta ku dhaqmaan sida Buudiistaha, kuwa diinlaawayaal ah iyo gaar ahaan aragtida reer galbeedka ama yuhuuda iyo nasaarada.

Asalka cilminafsiga iyo raggii  ugu waaweynaa ee dunida islaamka iyo kuwii reer galbeedka ayaan kugula wadaagayaa buuggan qeybihiisa soo socda.

Si aad u sawirato saamaynta uu cilminafsigu ku leeyahay nolosheena, tusaale ahaan bal sawiro qof beeralay ah, wuxuu rabaa inuu fahmo sida dhirta ay u baxdo, waxa ay dhirtu u baahan tahay si ay u korto, iyo sida looga hortago cudurada ku dhici kara geedaha, tayada dhulka ama nooca carada iwm.

Si la mid ah, dhakhtarka cilminafsigu wuxuu raadiyaa inuu fahmo sida maskaxdeenu u shaqeyso, waxay u baahan tahay si ay u ahaato mid caafimaad qabta, iyo hadii ay jiraan cillado sida loo daweeyo xanuunnada dhimirka ku dhaca.

Cilminafsigu waa cilmi lagu daraaseeyo sida aan nafteena u sixi lahayn, u hagaajin lahayn, si qoto dheer ugu qaabayn lahayn. Fahamkaas qaacidooyinka iyo mabaa’iida maamula maskaxdeena ayaa lama huraanka u ah hogaaminta nolol degan oo farxadi ku dheehan tahay.

Maskaxdu waxay ku shaqeysaa xeerar iyo nidaamyo u gaar ah oo u muuqan kara kuwo isku qasan oo aan sinaba isugu toosnayn islamarkaana sida loo fahmaa ay adag tahay, run ahaantii xaqiiqadu taasi way ka duwan tahay.

Maskaxda mida niyada ah ee aan ogaalkeena u maamulin (inconcient) sida aan kor kusoo xusnay waxay si hoose u maamushaa dabeecadaheena, xusuusteena, dareemayaasheena iyo aragtiyadeena sidaas darteed aqoonta cilminafsiga waxay noo saamexeysaa inaan si ogaal ah ugu qaabeyno dhanka wanaaga sida aynu ula qabsanno xaaladaha adag ama qalafsan, sidoo kale uga falcelinkarno arimaha nala soo gudboonaado.

Intaa waxaa dheer waxay na siineysaa fursad ah inaan la macaamilno dadka kale si miyir leh oo dabacsan qaarkoodna aynu isaga ilaalino dhagartooda iyo shartooda.

Cilminafsigu wuxuu u kala baxaa dhowr qeybood waxaana ka soo qaadan doonnaa laamaha ugu waawayn. Sidoo kale qeexidda, fahamka iyo xal u helidda cudurada nafsaaniga ah ee ku dhaca aadanaha dabeecadaha iyo hab-dhaqankiisa.

Cutubyada soo socda ayaan kugu sharaxayaa daraasadihii ugu waaweynaa iyo waxyaabihii lagu helay, dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee qarnigan si wayn noo halakeeyay, sida qulubka, ama depressionka, cuqddada, welwelka, walbahaarka qeybaha uu Cilminafsigu u kala boxo iyo maandhaya wuxuu qabto, shucuurta, tarabiyooyinka jira waxwalbo oo aad uga baahan tahay inaad fahan buuxa u yeelato.

Hadii aad tahay arday doonaya inuu barto culuunta cilminafsiga waxaad kala garan doontaa laanta cilminafsi ee aad ka dooran lahayd iyo waxa ay ku kala duwan yihiin.  Hadii aad tahay qof doonayo inuu naftiisa horumariyo, ama hadii uu jiro qof reerahaaga kamid ah oo la tacaalaya xanuunadaan, waxaad ka heli doontaa sidii aad uga caawin lahayd fahamka ciladahaan, ama nafsad ahaantaada isku aragto astaamaha qaarkood sida aad aqoontaada ku kobcin kartid ama kaalmo u raadsan lahayd.

Qodobkani wuxuu kamid yahay Qeybaha hore ee buugga cusub ee  cilminafsiga Aadanaha oo aad nuqul kamid ah ka heli karto isla boggan.

W/Q Abdulkadir Mursal

Recommended Posts

Leave A Comment