HODANTINIMADU WAA QALBIGA

Abdulqadir 
Daryeel Bulsho

Dadka qaar waxay aminsan yihin in islaamka uu kasoo horjeedo in qofku hanti yeesho balse taa bedelkeeda uu dhiirageliyo in qofka sabool iska ahaado, waana arin qaldan.

Sidee qof muslim ah u rumaysan karaa inay muslimiintu noqdaan dad faqiiriin ah inagoo og in suubanaheenu NNKH Yiri: Ilaahay ka magan gala faqriga?

            Wuxu Ducooyinkiisa Allah ku weydiisan jiray:

« Illaahayow waxaan kaa magan galay gaalnimo, faqiirnimo, iyo cadaabka qabriga »

Sidee islaamka u dhiiragelin karaa faqiirnimada ? markii aad fiiriso qur’aanka in Ilaahay uu xusuusinayo Nebigiisa waxyaabihii uu uga gargaaray: 

Nebigu NNKH wuxu amaanay Qof Ilaahay hanti xalaal ah oo kujirta gacanta qof iimaan leh. (Qur’an Al Duxa Ayada 8)

Islaamka ma dhiiragelinayo saboolnimo, laakiin wuxuu toosinayaa in hantida si wanaagsan loo fahmo waayo hodantinimada maaha inaad hanti badan leedahay balse waa inaad tahay qof ku qanacsan wixii Ilaahay gacantaada kuu geliyay.

Sidaynu hore u sheegnay hodantinimadu maaha dhaqaale farabadan, guryo, gawaari iyo wax alla waxa jeebkaaga kujiro laakiin waxaa hodan laga noqdaa nafta.

Waxaa jira dad aan qaadan mushahar fara badan, laakiin iska faraxsan, kuwaa ayaa lagu tilmaami karaa kuwa xaqiiqdii taajirka ah.

Dhanka kale kuwa dhaqaale badan haysta iyo mushaharaad dheeri ah waxay ka walwalaan inay hantidaasi ka baab’ado ama qasaaro ku dhacdo, waxay kale oo ka walwalaan mustaqbalka iyo sidi ay hantidoodu usii badan lahayd xaqiiqadii kuwaasi waa faqiiriin siwalbaba handi ha u lahaadeen. Waa marka uu leeyahay Nebigeenu NNKH :

« Ma doonaysaa inaad noqoto qof taajir ah, shaqeyso wixi Ilaahay ku qorona ku qanac, hana ka walwalin inay is dhinto ama kororto waayo wax walbo waxay kujiraan gacantii Ilaahay, waxaan kuu qornayn ma heleysid wax Ilaahay kuu qorayna ma gefeysid inta aad dunidan dusheeda saaran tahay oo naf kugu jirto ilaa aad arzaaqdaada dhameysato »

Arinta ku saaran waa inaad dadaashaa oo qorshe sameysataa noloshaada ku maareysaa kuna qanacdaa wixii ilaahay ku siiyo oo aad ka mahad-celisaa.

Inta badan dadka waxaa xanuunada maanka ku keeno waa ayagoo daba carara sidii ay hanti u sameyn lahaayeen kuna daala aduun aruuris markii ay inyar is dhintana murug iyo walbahaar ku rida.

Waxaa taasi mararka qaar sabab u ah idaacadaha, oo dadka ku jiheeya inay ka walwalaan mustaqbalkooda iyo waxyaabaha ka dhacay dunide inteeda kale ayagoo u tusaya in ciriiri dhaqaale jiro

Sidaan hoosta ka xariiqnay hodantinimadu islaamka ma diidana balse wuxuu dhiiragelinayaa inaynu ka ilduufin in waxa qofka lagu qiimeeyo aysan ahayn hanti iyo xoolo. Waayo hodantinimadu maaha nolosha oo dhan, qofkii hanti badan leh na maaha qofka ugu wanaagsan dadka.

Dadka ku kala saar heerka uu qofka diin leeyahay ama ay cabsida ilaahay ku wayn tahay taas uun baa islaamka dhiiragelinaya.

Sidaa awgeed waa run dunida aynu ku noolnahay waxaa dadka lagu qiimeeyo inay tahay hantida uu leeyahay iyo sida jeebkiisu buuran yahay taas oo ay runtii si wayn uga qayb qaataan idaacaha iyo baraha bulshada, in dunida xooluhu yihiin waxa kaliya ee qofka dhaqaajinayo ama wax ku qiimeynayo taas oo aalaaba ku keenta walwal iyo walbahaar iyo murug aan lasoo koobi karin.

Waxaan illlaahay SWT weydiisaneynaa in uu qalbiga noo geliyo hodantinimada, caqligii lagu garan lahaana ina siiyo.

Maqaalkani wuxuu ka mid yahay maqaalado badan oo aan ku qoray buugga DARYEEL BULSHO. Waxaad nuqul kamid ah ka soo dalban kartaa qeybta xiriirka. 

W/Q Abdulkadir Mursal

Recommended Posts

Leave A Comment