Waswaasku muxuu yahay (OCD)
Waswaasku (Obsessive Compulsive Disorders) wuxuu in badan kala mid yahay welwelka iyo xanuunada wallaahowga guud ee aan hore usoo xusnay, waxaan qeexi doonnaa waxyaabaha sida gaarka loogu garto.
Diiwaanka xanuunada dhimirka ee (DSM-5) Waswaasku ama wiswisku waa dabeecad uu qofka kusoo cel-celinayo hal ficil si joogto ah.
Qofka calaamadaha waswaaska leh waxay maskaxda ku riixeysaa in uu fuliyo ammaro ay jawaab uga dhigeyso ama uga hortageyso in ay qabsadaan oo la kulmaan dhacdooyin cabsi leh.
Hab-dhaqankaani wax xiriir lama laha xaqiiqada jirta iyo waaqica taagan.
Waswaaska xanuunka ah, wuxuu leeyahay cabsi aad u daran ama fikrado soo noq-noqda ama si joogto ah ugu soo dhaca maskaxda.
Mararka qaarkood arimahaasi soo noq-noqda waa erayo, tirooyin, fikrado dhimasho, nadaafad ama (nadaafad-daro) ama agab la bed-bedelo. Laakin waxaa kale oo ay noqon kartaa cabsi laga qabo in cudur la qaado ama jeermis kusoo raaco.
Fikradahaas qallafsan waxay keenaan walaac. Qofku waxa uu la dagaallamayo cabsidiisa isaga oo doonaya in uu baabi’iyo ayuu hadana isticmaalaya hab-dhaqan ama ficilo soo noq-noqda, oo aan la xakamayn karin oo ay qasab ku tahay in ay si qasab ah loo fuliyo.
Dabeecadahaasi waxaa kamid ah:
- Hubin: qofku wuxuu marwalba dib u hubiyaa albaabada, daaqadaha, layrka ama nalalka, tubooyinka in ay xiran yihiin ama dabka iyo jikada in ay densan yihiin.
- Nadiifinta iyo Dhaqqida: qofka wuxuu yeeshaa dabeecad nadaafad badan oo guriga ah, gacmaha oo si joogto ah la iskaga dhaqo, wajiga ama jirka intiisa kale.
- Wax isku toos-toosin iyo rasayn: marwalbo wuxuu isku hawlaa inuu toos toosiyo ama raseeyo waxyaabo kala daadsan.
- Xisaabin: wuxuu tiriyaa ama xisaabiyaa waxyaalo, ficilo iyo arimo dhacay si isdaba joog ah.
- Kelmado ama jumlado lagu celceliyo: Dhanka hadalka wuxuu qofka ku celceliyaa ereyo, ama kelmado marwalba afkiisa soo boobayo.
- Ka fogaansho: qofka wuxuu ka fogaadaa xaalado iyo goobo cayiman oo laga yaabo in ay dareemayaashiisa kicinayaan.
- Wax aruursi: qofka wuxuu si wayn u aruuriyaa waxyaabo aad u farabadan isagoo ka baqaaya inuu tuuro wax berito anfici doona, waxaa dhici karta aqalka uu ku noolyahay in ay buux-dhaafiyaan agab tirabadan.
- Taataabasho ama garaacis: wuxuu taataabtaa meel kamid ah jirkiisa ama sheey si uu u yareeyo stresska mararka qaar lugaha ayuu isku garaacaa ama cajaraha.
Qeybaha kale oo dhameystiran sida waswaaska, iyo dhammaan cudurada maanka astaamahahooda iyo qisooyin lagu muujinayo xaaladaha ay ku jiraan dadka la nool ciladahana waxaad kaga bogan kartaa buugga cilminafsiga Aadanaha oo aad ka heli karto isla boggan.
W/Q Abdulkadir Mursal