Tag: Cilminafsiga Aadanaha

ceeshoo milix

Naf qanacsan sidee lagu helaa?

La jeclow walaalka waxaad naftaad la jeceshahay!
Kelmadaan maaha mid uu aqoonyahan iskaga hadaaqay ama maah maah meel laga soo guuriyay balse waxaa ku hadlay ninka aduunka ugu runta badan ee aan marnaba ku hadlin hawadiisa.

shaqsiyadda

Ogow Qof Kasta Wuxuu Leeyahay Hibo U Gaar Ah

Qoysaska qaarkood waxay ku dadaalaan caruurtooda inay yeeshaan dabeecado la mid ah sida ay iyagu jecelyihiin ama shaqsiyadda hooyada ama aabaha. Sidaa in loo barbaariyo caruurta maloo baahno.
Hab-dhaqankaas waxay caruurta u keenaysaa inay noqdaan kuwo dhaan-raac ah oo aan madax banaani lahayn.

Cilminafsigaadanaha

Waa maxay cilminafsi?

Marka hore aynu qeexno ereyga Cilminafsi (Psyhology), Marka aan maqalno ereyga cilmu-nafsi, waxaa laga yaabaa inaan maskaxda ku hayno fikrado kala duwan sida sawirada qof kursi ku fadhiyo oo la wareysanayo, filimaan ku saabsan dembiilayaasha xabsiga kujira, ama laga yaabee xusuusta koorsooyinka iskuulada lagugu soo dhigay. Laakiin waa maxay dhab ahaantii macnaha eraygani?

Psychology: Cilminafsi hadiii aad aragto ereygan wuxuu taagan yahay barashada ama daraasaddaynta xubinta maskaxda ama nafta qofka guud ahaan.