ceeshoo milix
Buugga Daryeel Bulsho Psychologie

Naf qanacsan sidee lagu helaa?

Abdulqadir 

La jeclow walaalkaa waxaad naftaada la jeceshahay!

Kelmadaan maaha mid uu aqoonyahan iskaga hadaaqay ama maah maah meel laga soo guuriyay balse waxaa ku hadlay ninka aduunka ugu runta badan ee aan marnaba ku hadlin hawadiisa.

Waa suubanaha Rasuulkeena Muxammad NNKH, xadiis ka sugan oo runtii hadii aad kaligeeda ku camal fashid ay hubaal tahay inaad ka daawooweysid walwalka iyo walbahaarka, qulub iwm, oo run ahaantii aad u maleysid in waagaan aan ku camal falaynin.

Xadiiskan waxaa laga wariyay Anas Ibn Malik Allaha ka raali noqdee

La yu’minu axadukum Xatta yuxibba Akhihi, li-akhIhi ma yuxibbu li-nafsihi

Markii aad heerkaas gaartid oo aad la jeclaatid walaalka waxa aad naftaada la jecechahay. Qalbigaagu wuu furmayaa naftaadana waxay heleysaa deganaan, iyo qanaaco farabadan kadib aya la oran karaa waxaad heshay iimaan buuxa iyo macaan naftaada raali ka tahay.

Macaankaasu carabka kama dhadhamineysid balse qalbiga ayaad ka dareemeysaa! ma garaneysaa sababta? Sababtu waxay tahay waxaa qalbigaaga ka baxayo nacayb iyo xumaan aad dad u qabto waxaana bedelkeeda soo galayo jacayl iyo niyad sammaan.

Qalbigaaguna wuxuu nadiif ka noqonayaa dhamaan xumaha iyo wax alla wixii kugu kalifaayay qof walaalkaa ah inaad xaasido. hadii ay ahaan lahayd, nacaybka, quuriwaaga, baqaylnimada, maseyrka iwm.

Waxaa hubaal ah in sideedaba waxaa keena xaasidnimada waxaa weeye inaad naftaada kaliya la jeclaato waxwalbo, oo aadan u quurin in walaalkaa in uu helo wanaagga aad adigu isla jeceshahay, hadii ay ahaan lahayd hanti magac, iyo mansab intaba.

Waxaad is dhihi doontaa qof walbo wuu jecelyahay naftiisa inuu horumar u raadiyo inta uu qofkale la dooni lahaa laakiin waxad ogaataa dadka gaaray heerkaas ee nafta walaalkood ka hormariya nafsadooda ay jiraan balse ay yihin dad fara ku tiris ah. kumana oranayo noqo dadkaasi awliyada ah oo kale balse waxaan kaa codsanayaa kaliya inaad walaalkaa qeyr la doontid. oo aad naftaada ka ilaalisid waxwalbo oo u horseedi kara baqeylinimo iyo xasad.   

Sababtoo ah Sareeye subxanahu watacala wuxu leeyahay

 وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (9)

“Wa man yuukha shuxa nafsihi fa ‘ulaika humul muflixuun. Al Hashr, Ayat 9 aad.

Dhowr tafsiir ayaa jira hase yeeshee waxaan ku gaabsan karnaa in aayaddu tilmaameyso, Ruuxii naftiisa ka dhawra bakhiilnimo inuu kamid yahay kuwa liibaanay.

Waxaan Ilaahay weydiisaneynaa inuu nagu daro kuwa naftooda kaliya aan u nooleyn ee  walaalahooda la jecel wanaag!

Waa qeyb ka mid ah qoraalada Buugga Daryeel Bulsho oo aad ka dalban karto isla boggan qeybaha xiriirka.

W/Q Abdulkadir Mursal

Cilmigu waa nuur, jahliguna waa mugdiyaal
[rswpbs_reviews container="container" review_per_page="8" review_layout="slider" section_sub_heading="Testimonial" section_heading="Words From Our Happy Readers." select_book="Daryeel Bulsho" show_slider_navigation="true" show_section_title="true" show_quote="true" show_ratings="true" show_reviewer="true" large_screen="3" medium_screen="2" small_screen="1" layout_style="classic"]

Recommended Posts

Leave A Comment