HODANTINIMADU WAA QALBIGA
29/01/2026
Islaamka ma dhiiragelinayo saboolnimo, laakiin wuxuu toosinayaa in hantida si wanaagsan loo fahmo waayo hodantinimada maaha inaad hanti badan leedahay balse waa inaad tahay qof ku qanacsan wixii Ilaahay gacantaada kuu geliyay.
Sidaynu hore u sheegnay hodantinimadu maaha dhaqaale farabadan, guryo, gawaari iyo wax alla waxa jeebkaaga kujiro laakiin waxaa hodan laga noqdaa nafta.