shaqsiyadda
Books Psychologie

Ogow Qof Kasta Wuxuu Leeyahay Hibo U Gaar Ah

Abdulqadir 

Qoysaska qaarkood waxay ku dadaalaan caruurtooda inay yeeshaan dabeecado la mid ah sida ay iyagu jecelyihiin ama shaqsiyadda hooyada ama aabaha. Sidaa in loo barbaariyo caruurta maloo baahno.

Hab-dhaqankaas waxay caruurta u keenaysaa inay noqdaan kuwo dhaan-raac ah oo aan madax banaani lahayn.

Waxaad arkeysaa Aabaha inuu geed sare iyo mid hoose u fuulayo sidii uu wiilkiisa uga dhigi lahaa siduu ahaan jiray yaraantiisa. Wuxuu rabaa inuu wiilkiisa yeesho aragtidiisa oo kale iyo hab-dhaqankiisa.

Halkii uu wiilka u ogolaan lahaa inuu lasoo baxo shaqsiyadiisa gaarka ah taas bedelkeedana uu burburiyo ama baab’iyo isagoo tiisa ku bedelayo.

Arintaas waxay keeneysaa in shaqsiyadda cunuga ay burburto islamarkaana ay ka lunto kalsoonida.

Hab dhaqankaasi wuxuu keenayaa in ay caruurta kaga baaba’daa kalsooonida shaqsiyadiisa gaarka ah, ayna caruurtu u qaataan mida aabaha ama hooyada.

Dhibaatada jirta waxay tahay inagoo aan ku feejignayn sida Ilaahay inoo abuuray inay shaqsiyadaha bini’aadamka kala duwan yihiin islamarkaana farqi u dhexeyso dhamaan dadka haba is dhalaane.

Tusaale ahaan hadii sedex walaalo ah, midba kan kale kaga fiican yahay maado sida xisaabta, farshaxanka, luqadaha marna suurtogal ma noqoneyso in hadii la isku deyo in mid ba mid ka kale wuxuu ku fiican yahay kaga mid noqdo oo si isla eh ay dhamaantood ugu wada fiicnaadaan maadooyinka aan soo sheegnay waayo qofwalbo wuxuu leeyahay hibo u gaar ah oo ilaahay ku beeray.

Waxay u badan tahay inaysan kasoo wada bixin hal jaamacad oo midna uu aado kuliyada sayniska, midna uu aado kuliyada farshaxanka midka kalena uu ku takhasuso kuliyada luqadaha islamarkaana guulo waawayn kasoo hoyaan.

Laakiin hadii waalidku isku deyi lahaa inay ka dhigaan dad iskuwada mid ah waxaa macquul noqon lahayd in midkoodna ku guuleysan waayo inuu heer fiican gaaro sababtu waxay tahay, waxaa la dafiray haybadii uu Allah siyay iyo hibadii gaarka ahayd.

Dhibaatooyinkaan waxay ka timaada firkadaha ay waalidka aminsan yihin amaba dhamaan bulshada inteeda badan. Waxay doonayaan in carurtooda oo dhami ay wada noqdaan Dhaqaatiir, farmashiisteyaal, ama injineero. Midwalbaana wuxu ku riixayaa caruurta meelahaas isagoo aan marnaba ka fekereynin waxa canugiisu jecelyahay ama dhanka uu u janjeero.

Mida kale ee u baahan in la saxo waxa weeye. Dadka intooda badan waxay u haystaan in arimaha lagu gaari karo guushu ay tahay in cunugu meel fadhiyo, hogaansamo, si joogto ahna xaadir ku ahaado iskuulka.

Hadii ay dhacdo in cunuga uu yahay mid firfircoon ama xooggaa cayaar badan, waxay ka baqayaan mustaqbalkiisa. Sidaas oo kale hadii uu cunuga kahor yimaado fikrado laga doodi karo waxay ka walwalaan inuu ku guuleysan waayo sanad dugsiyeedkiisa.

Guusha iyo guul darada waa mid u baahan in si fiican loo fahmo waxaa dhici karta in aad maado ama dhinac ku guuldareysato balse aad ku guuleysato dhinac kale. Arintaan caksigeedu waxaa sabab u ah in waalidiinta ay u arkaan guusha halka ay taalo ay tahay kaliya sida ay ayagu jecelyihiin. Taasi waxay keeni kartaa guuldaro.

Maxaynaan ugu deyneyn caruurteenna in ay ahaaddaan sidii Allah u abuuray? Maxaan u doonaynaa inuu noqdo shaqsiyadeena oo kale? Inuu qofka kaa duwan yahay ma aha inuu yahay qof xun ama guul dareysanaya waxaad ogataa kaliya inuu yahay qof ka duwan sida adigu aad tahay.

Qof sidaa u dhaqmaya weligii ma noqon doono qof ku faraxsan ama ku qanacsan xaalada uu ku sugan yahay goor uu waqtigu socdana waxaa macquul ah inuu walwal badan iyo walbahaar uu kaga yimaado kalsooni daradaas aad adigu sababteeda lahayd.

Diinteena islaamka, way naga reebtay habacsanaantaas waxayna inagu dhiiragelisaa inaynu noqono dad isku filan oo isku kalsoon. Waxay isticmaasha erey u dhigma (Inma’a) luqada carabiga micnaheedu waa (dhaanraac) ayay somaalida tiraahdaa waa qof dadka indho la’aan ku raaca dadka kale.

Rasuulkeena NNKH wuxu Yiri: Ha noqonina sida dhaan-raacda. Taas oo micnaheedu ula jeedo, waxaan la jiraa dadka hadii ay sameeyaan wax wanaagsan ama wax xun ba.

Balse noqda kuwo marwalba qiimeeya waxa ay sameynayaan haduu wanaag yahay sameeya hadii uu xun yahayna faraha kala baxa.

Waxaa muhiim ah inaad leedahay shaqsiyad aad ku faraxsan tahay oo la barax tiray islamarkaana ka duwan dadka intiisa kale sida aragtida iyo dhaqankaba.

Lahow dhaqan kuu gaar ah hana isku deyin inaad koobiyeeyso qof kale dhaqankisa, Sida qofkaas u labisto ama qofkaas wax u barto ama dadka ula dhaqmo.

Hadii aan u jaleecno dhanka hab dhaqanka suubanaheena NNKH, wuxu ahaa mid bara saxaabadiisa in aysan si indho la’aana iskaga deyanin. Sidaas darteed ayaa dugsigi Nebiga NNKH uusan uga soo bixin labo qof oo iskuwada mid ah. Waayo wuxu dhiiragelin jiray in qof walbo shaqsiyadiisa dhiso wuxu ku fiican yahayna horumariyo.

U fiirso xadiiska nebiga NNKH uu ku dhahayo: Asaxaabteydu waxaa ugu saqaysan Abu-bakr, waxaa ugu Ad-adag dhanka difaaca jidka Allah Omar, waxaa ugu daacadsan Uthman, Waxa ugu quraan aqris fiican Ubayy b.ka’b, waxaa ugu aqoon badan dhanka sida loo guto waajibaadka waa Zayd b.Thabit, waxaa ugu aqoon badan xaaraanta iyo xalaasha Mu’ath b.Jabal. Ogaada qolo walba waxa kujira qof istaahila kalsooni buuxda in lagu qabo, qofka aan ugu kalsoonahay umadeyda waa Ubayda b.al Jarrah)

Ogow, inaad ku qanacsan tahay shaqsiyadaada, iskuna dey inaadan ku milmin dadyowga kale, waxaad ka heli doontaa faa’idooyin wawayn o ay ka mid tahay inaad noqotid qof degan oo ka fog walwal iyo walbahaar, carro iyo murug islamarkaana ah qof faraxsan oo ku jira nolol wacan.

Aqbal waxa aan waxba laga bedeli karin. Dadka faraxsani waqti kuma lumiyaan duruufo waqtigu keenay oo ka baxsan awooddooda. Aqbal in bini’aadamka awoodihiisu xaddidan yihiin. Waxaad ku dadaashaa hab aad ku gaarto natiijada aad rabto, intii aad jawaab xun sugi lahayd oo aad ka falcelin lahayd.

Adkeysi yeelo oo weligaa ha quusan. Caqabad kasta markaad la kulanto waxay kugu soo dhawaynaysaa yoolkaaga. Weligaa ma fashilmi doontid, mar haddii aanad quusanayn. U kuurgal waxaad rabto, baro xirfadaha loo baahan yahay, samee qorshe aad ku guulaysan karto, kadibna tallaabo qaad. Had iyo jeer aad ayaynu ugu faraxsanahay marka aynu xaqiijino wax qiimo inoo leh.

Ka feker sababta aad aduunka u joogto ee laguu abuuray? Daryeel naftaada iyo qoyskaaga, laakiin ha ka welwelin waxay dadka kale sameeyaan ama kaa sheegaan. Ha ku mashquulin xantooda. Ha dhaleeceynin. Qof kastaa wuxuu iqtiyaar u leeyahay inuu u noolaado  sida uu rabo.  oo aad adiga ka mid tahay.

Mararka qaar Inaad kali noqoto oo maskaxda dejiso waxay nasasho siinaysaa maskaxdaada mashquulka ah. Marka ay maskaxdaadu nasato, waxaad heleysaa tamar badan ka dibna waxaad u shaqeyn kareysa si heer sare ah. Waxaa jira dhowr siyaabood oo loo dejiyo maskaxda: Salaadda, adkaarta, dejinta maskaxda iyo Jirka, dhageysiga quraanka, inaad dhageysato muuqaalo xambaarsan roob, iyo shimbiro iyo waxyaabo lamid ah. xaqiijinta, meel gooni ah fariiso oo aamus in muddo ah, baaritaan ku samee noocyadaas habka ku anfaca ee aad jeceshahay oo ku celceli maalin kasta waxaad la qabsan doontaaama heli doontaa jawi raaxo leh iyo shaqsiyad degan.

Qodobkani wuxuu ka mid yahay Cutubka ugu dambeeya ee buugga DARYEEL BULSHO.

W/Q Abdulkadir Mursal

Recommended Posts

Leave A Comment